Warar Sheegaya in la dilay Bashiir Qoorgaab iyo Dowlada oo War kasoo saareysa dilkiisa

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka 22-kii bishii Febraayo ka fuliyeen degmada Saakow lagu dilay Bashiir Maxamed Dudubley (Qoorgaab) oo katirsanaa hogaanka sare ee Al shabaab .

Saraakiil katiran ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay dilka sargaalkan katiranaa Al shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha oo aadan dowlada si rasmi ah u shaaciso dilka  sargaalkan warna kasoo saarto.

Bashiir Qoorgaab ayaa kamid ahaa golaha Fulinta xarakada Al shabaab , waxa uu sidoo sargaalkan xilal kala duwan oo sar sare kasoo qabtay Al shabaab uu kamid ahaa mudo sanado badan ah.

Sargaalkan duqeynta lagu dilay ayaa  kamid ahaa xubanaha sida weyn dowlada Mareykanka u doon dooneysay, waxa ayna madaxiisa u dul dhigtay lacag malaayiin Dollar ah oo la siinayo cidii keenta xog lagu dili karo ama lagu qaban karo.

Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa dhawaan war ay soo saartay ku sheegtay saraakiil sar sare uu ku jiray Bashiir Qoorgaab uu khilaaf soo kala dhax galay Hogaanka sare ee Xarakada Al Shabaab.

Warkan waxii kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -