Xubno katirsan Dagaalyahanada Al Shabaab oo Weerar qorsheesan lagu dilay

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah diyaaradahooda dagaalka la beegsadeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka SHabeelaha Hoose.

War Saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika aaa lagu sheegay in duqeyn shalay diyaaradahooda ka fuliyeen tuulo la yirahdo Garowle lala beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Mareykanka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntan ka dhacday Shabeelaha Hoose lagu dilay labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale lagu bur buriyay mooto ay wateen.

” Dadaalada sii socda iyo duqeeymaha lagu wiiqayo al-shabab waxey qeyb ka yihiin Istaraatiijiyadda Mareykanka uu ku taageerayo hiigsiga Soomaaliya leh horumar dhaqaale,  iyo hey’ado military oo xooggan” ayaa lagu yiri Warka Mareykanka kasoo baxay.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay in ay sii wadayaan duqeymaha lala beegsanayo hogaanka iyo dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna Mareykanka sheegay in duqeymaha ka qeyb qaadanayaan bur burinta Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -