Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Khayre iyo Shiikh Shariif

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif  Sheikh Axmed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre

Waxay ka wada hadleen hirgelinta  heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Wuxuu ahaa shir muhiim oo ku noogu dhamaaday is faham, waxaan rajeynayaa in hore loo socdo la dedajiyo doorashada, ayna noqoto mid hufan, caddaalad ku dhisan, natiijadeedana loo dhan yahay” ayuu Shiikh Shariif oo qoraal kooban soo dhigay facebook.

Golaha Wadatashiga Qaran oo soo gabagabeeyay shirkii uga socday Muqdisho, ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada

Related posts

Dad hor leh oo ku sugan Muqdisho oo laga helay Caronavirus iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Shaaciyay in ay dileen 60-kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade

Askari katirsan ciidanka Dowlada oo maanta dil ka geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---