Dowlada Somalia oo la sheegay in ay Itoobiya ka codsatay Sii deynta Qalbi Dhagax !!

Dowlada Itoobiya ayaa maalmo kahor xabsiga kasii deysay C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo xubin ka ahaa Ururka ONLF, waxaana sargaalkan sanadkii hore dowlada Itoobiya gacanta u galisay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxayay sii deynta Qalbi Dhagax iyo cida ka dambeysay, waxaana wararka ugu xoogan uu ahaa in Qalbi Dhagax sii deyntiisa ay qeyb ka aheyd isbadalada xiligan dalka Itoobiya uu ka hir galinayo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar  ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax, waxa uuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya codsatay in Qalbi Dhagax la sii daayo.

Waxa uu sheegay Jamaaludiin Mustafa in dowlada Itoobiya ay tix galisay codsiga dowlada Soomaaliya ee ku aadanaa in xabsiga laga sii daayo Cabdi Kariin Qalbi Dhagax oo horey dowlada Federaalka Soomaaliya ugu gacan gelisay dowlada Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin sii deynta Qalbi Dhagax oo dhawaan laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa, waxaana taageerayaasha Dowlada Nabad iyo Nolol baraha bulshada ku faafinayeen in dowlada gacan ka geesatay in Itoobiya sii deyso Qalbi Dhagax.

Itoobiya ayaa xiligan waxaa ka curtay isbadal balaaran uu horkacayo Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, waxaana xabsiyada dalka Itoobiya laga sii daayay siyaasiyiin badan oo Mucaarad ku ahaa dowlada oo qaarkood horey loogu riday xukuno adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -