Allbanaadir.com
NEWS

Labo Oday oo Siyaabo kala duwan isugu dilay Deegaanka Raama-cade iyo Faah faahino laga bixiyay

Labo Oday oo kamid ahaa dadka ku dhaqan Deegaanka Raama-cade ee hoostagta magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan isugu dileen deegaankaasi.

Sadiiq Cabdi oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Raamaca-cade ayaa Warbaahinta u sheegay in labo oday oo kamid ah dadka deegaanka ay shalay iyo maanta isku dileen deegaankaasi.

Mid kamid ah Odayaasha ayaa midi isku dilay halka kan kalana uu wabiga isku tuuray. waxa uu sheegay Sadiiq Cabdi in sababta ay Odayaashan isku dileen  ay tahay beero ay fasheen qarash badana uu uga baxay oo Wabiga ku fatahay.

Dadka deegaanka Raama-cade ayaa arintan si weyn uga argagaxay una hadal haya, waxa ayna dhacdadan noqoay mid ku cusub deegaanka  Raama Cadde , arimaha nuucan ayaana mudooyinkii dambe kusoo badanayay qeybo kamid ah dhulka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Wiil iyo Adeerkiis oo caawa lagu dilay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Mucaaradka ku kacay Siiriya oo dilay Gen. Porhashmi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---