Tareen labo cad u kala jaray bas ay la socdeen caruur iskuul fara badan (Daawo Sawirro)

Shil naxdin leh ayaa ka dhacay dalka Faransiiska ka dib markii ay food is dareen tareen iyo bas iskuul marayay degaanka Perpignan oo ku yaalla Koonfurta dalkaas.

Ugu yaraan afar carruur ah ayaa ku dhimatay, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacantay 20 kale oo 11 ka mid ah ayayna xaaladdoodu aad u liidataa.

Waxaa shilkani uu ka dhacay meel ay isku waydaartaan wadooyinka Millas iyo Saint-Féliu-d’Amont.

Baska ayaa waday arday ay da’doodu u dhaxaysay 13 iyo 17 sano oo uu ka soo qaaday iskuul aan ka fogayn meesha uu shilku ka dhacay, iyadoo sawirro goobta laga soo qaaday ay muujinayaan baskii oo labo u kala go’ay.

Shirkadda tareennada ee SNCF ayaa sheegtay in ay dajisnaayeen waxyaabihii loogu talagalay in ay xanibaan baabuurta kale tilmaamayayna in tareenku uu meesha marayo, inkastoo aan arrintaas wali la xaqiijinin.

Baska ayaa marayay isgoyska marka uu shilku dhacay, waxaana la sheegay in si fiican wax loo arki karay, waxaana tareenka la socday dad gaaraya 30 qof, iyadoo uu weli socdo baaritaan ku saabsan qaabka uu shilkaas u dhacay iyo sababta ka dambeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -