Faahfaahin: Al-Shabaab oo iska caabin kala kulantay dagaal ka dhacay degaanka Baxdo

Dagaal socday muddo ku dhow laba saacadood ayaa saaka aroornimadii ka dhacay degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud kaasoo dhexmaray Ciidamo Boolis ah iyo maleeshiyaadka degaanka ah oo dhinac ah iyo Al-Shabaab oo dhanka Bari ka soo weerartay degaanka.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in dadka degaanka ay iska caabin adag kala hortageen Al-Shabaabkii soo weeraray, isla markaana ay u suurto geli weysay inay la wareegaan degaanka Baxdo.

Sida ay sheegayaan Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baxda waxaa dib uga laabtay xoogagii Al-Shabaab ee soo qaaday weerarka, waxaana haatan degan xaalada degaanka oo ay gacanta ku hayana Ciidamada Booliska iyo maleeshiyaadka degaanka ah

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray labada dhinac ee ku dagaalamay degaanka baxdo inkastoo aan tirakob sax ah laga heynin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -