Abaabulka banaanbaxyo iska horjeeda oo ka socda Magaalada Muqdisho

Abaabulka banaanbaxyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageerayo MW Farmaajo iyo RW Rooble oo khilaaf adag uu u dhaxeeyo ayaa ka socda Magaalada Muqdisho

Kulan lagu taageerayo MW Farmaajo oo uu soo abaabulay Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho , iyadoo Maamulku gaadiid ku soo qaaday qaar kamid ah Haweenka Malaamilayda ee u shaqeeya dowlada Hoose ee Xamar, waxaana isla shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan lagu abaabulayo banaanbax ka dhan ah MW Farmaajo.

Abaabulka Banaanbaxaan oo todobaadkaan dhici doono ayaa waxaa wado wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalim Fiqi, odayaal iyo siyaasiin ku abtirsada kursiga Hop-67 oo doorashadiisa dooda ka taagan tahay iyo qaar kale oo ka tirsan bulshada.

Nabadoon Cali Xasan oo loo yaqaano Cali Jeesto islamarkaana ah odayga dhaqanka ee leh saxiixa kursiga Hop#67 ayaa dhankiisa ku dhawaaqay banaanbaxaan.

Musharaxiin dacwad ka gudbiyay natiijada doorashadii uu ku soo baxay Yaasiin Farey oo asna qayb ka ah abaabulka kacdoonka bulsho ee ka socdo Muqdisho ayaa sheegay in dadka gobolka Banaadir aysan aqbali doonin boob doorasho iyo xukun Milateri .

Cabsi badan ayaa ka dhalatay abaabulka banaanbaxyada iska horjeeda oo uga sii dari kara xaalada siyaasadeed ee wadanka oo todobaadyadan qas iyo jahwareer badan uu ka jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -