Taliska Booliska Galmudug ee Gaalkacyo oo qaaday talaabo si weyn loo amaanay (Sawirro)

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Qaasin Shiikhdoon Cali ayaa ku wareejiyay Saraakiisha Amniga Maamulka Puntland Gaari Dhawaan laga soo dhacay degaanada Puntland oo lagu heystay degaanada hoostaga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Goobta lugu wareejinayay Gaarigaan ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Mudane Cabdirahman Sheekh Xasan iyo Dhigiisa Puntland Mudane Maxamuud Cabdi Nuur, Saraakiil Ciidan oo kawada tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxda labada Maamul ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen soo qabashada gaariga, waxayna ku baaqeen in la sii xoojiyo iskaashiga labada maamul ee dhinaca amaanka.

Shacabka ku dhaqan labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhoweeyey talaabadan, iyagoo sheegay iney soo afjareyso burcada labada dhinac dhaca ka geysta oo hadda ka dib aan heli doonin meel ay gabaad ka dhigtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -