Ciidamo isku dayay in ay hub iyo rasaas kala baxaan xero Ciidan oo xabsiga la dhigay

Ciidamada katirsan daraawiishta maamulka Puntland ayaa xabsiga la dhigay , kadib markii ay isku dayeen in hub badan iyo rasaas kala baxaan xeradda tababarka ciidamada Xorgoble ee kutaala Magaalada Qardho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadan daraawiishta xiligii ay isku dayayeen in hubka xerada ka qaataan is hortaag kala kulmeem ciidano katirsan booliiska Puntland, waxaana labada ciidan dhax maray iska hor imaad khasaaro geestay.

Ciidamada booliiska Puntland iyo ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen 13-askari oo katirsan ciidamada daraawiishta ee isku dayay in ay hubka kala baxaan xeradda Xorgoble.

Saraakiil katirsan ciidamada booliiska magaalada Qardho ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo qaar kamid ah ciidamadii isku dayay in hubka la baxaan oo qaarkood baxsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -