Maxaad kala socotaa Tirada Xildhibaanada Mucaaradsan Xukuumada iyo Kooxaha ay katirsan yihiin ?

Xildhibaano tiro badan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa mucaarad ku ah Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanadan marar badan ku fashilmeen in Mooshin ka keenaan Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukuumada Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 120-Xildhibaan, waxaana Xildhibaanadan u badan yihiin kuwa katirsan Kooxo iyo Xisbiyo dalka ka jira.

Tirada ugu badan ee Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukuumada Soomaaliya ayaa katirsan Kooxda Damul Jadiid, waxaana Xildhibaanada Kooxdaasi lagu sheegay in ka badan 80-Xildhibaan oo si hoose isugu xiran.

Xildhibaanada kale ee Xukuumada Mucaaradka muuqda ku ah ayaa ah kuwa katirsan Xisbiga Daljir , waxaana tirada Xildhibaanadaasi iyana lagu sheegay ku dhawaad 15-Xildhibaan.

Waxaa sidoo kale jira Xildhibaano aan kooxna katirsaneyn balse balamo looga baxay darteyd ugu biiray Xildhibaanada Mucaaradka ah, waxaana tirada Xildhibaanada isku xiran ee Xukuumada Mucaaradsan ku dhaw yihiin 120-Xildhibaan.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ahaa kuwii dhawaan taageeray codkana siiyay Musharax Ibraahim Isaaq Yarow oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka kula tartamay Maxamed Mursal oo ku guuleestay doorashadaasi.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in suurto gal tahay in ay sii kordhaan Xildhibaanada Xukuumada Mucaaradsan marka xilal kala duwan oo la filayo la magacaabo ,Xildhibaano badan ayaa loo sameeyay balan qaadyo ay adag tahay in loo fuliyo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Xildhibaanada Mucaaradka qaarkood ay siyaasadooda bedelaan iskuna bedelaan taageerada Xukuumada marka loo sameeyo soo jiidasho dhinacyo kala duwan leh.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ku mideysan Kudlad la magac baxday Horu-Socod, waxa ayna Xildhibaanadan inta badan yihiin kuwa dhaliila Xukuumada Soomaaliya iyo Hay’adaha kale ee dowlada kana faa’iideesta xiliyada ay jiraan xiisadaha.

Dowlada Soomaaliya ayaa hada yeelatay Hogaan iswada fahansan sida Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha, waxaana adkaan doonta in Xildhibaanada Mucaaradka ay si fudud mooshin uga keenaan Xukuumada ama Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -