Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar uu dhalay Saadam Xuseen oo iyada oo sawirka aabaheed wadata Baaq muhiim ah jeedisay

Gabar uu dhalay Madaxweynihii la dal dalay ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen ayaa baaq muhiim  ah u dirtay shucuubta wadamada carabta gaar ahaan kuwa u dhashay dalka Ciraaq oo aabaheed sanaddo badan ka talinayay.

Raqad Saadaam Xuseen, oo ah gabadha ugu weyn gabdhaha uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqday wadamada Carabta in ay midoobaan kana shaqeeyaan sidii door weyn dunidda ugu yeelan lahaayeen dowladaha Carabta.

Gabadhan oo hor fadhisay sawirka aabaheed oo xasuus ahaan ugu tala gashay ayaa ugu baaqday shacabka dalka Ciraaq in ay noqdaan kuwa is jecel oo mid ah, waxa ayna mar kale ugu baaqday in ay midoobaan iskan ilaabaan waxii horey usoo dhacay.

“Ka tag cuqdadda iyo waxyaabaha aad gocaneyso, qof walbana ha cafiyo qofka kale, Ciraaq waa in aysan la safanin mid ka mid ah garabyada Carabta. Waxaan idinka codsanayaa inaad hilmaantaan farqiyada idiin dhaxeeya. Waxaan Ciraaq wax u tari karnaa kaliya marka aan mideysan nahay,” ayey tiri Raqad Saadaam.

Gabadhan uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen ayaa baaqa ay u jeedisay wadamada Carabta iyo shacabka dalkeeda waxa uu abuuray hadal heyn badan, dadka intooda badan ayaana si weyn usoo dhaweeyay baaqan kuna bogaadiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WGbjgeFMy1c

Related posts

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay gaabiska Doorashada Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamada Danab oo howlgal ka fuliyay deegaan Al Shabaab ku sugnaayeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye Filish oo qaabilay Mrs. Jacqueline Saline iyo Wafdi la socday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---