Shirkadda Somtel oo Hadiyado qaali ah gudoonsiisay macaamiisheeda (Sawirro)

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa abaalmarisay ku dhawaad 1000 macaamiil Todobaadkii (24 aad ) Munaasabad Lagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho..

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta & iibka shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane: Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid Wax tar u leh bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo sameeya ku shubasho Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M Waxaan balan qaadeeynaa inan haliisa ka sii wadno waliba si rasmi ah U daah-furno sanadka Cusub 2022 waliba hadiyado ka badan intii aan bixin jirnay 2021 Sidoo kale waxaan balan-qaadeeynaa inan sanadkaan ku darno hadiyadaha lagu bixinaayo Hanti Ma-guurto ah & Hadiyado kale oo Muhiim ah Waxaan ku Maamuuseeynaa Generate-gareynta gaariga Hyundai-ga Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar.

Professor :Mxamed Cumar Dhalxa oo ah Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka iyadoo macaamiisheenu u furantahay fursadaan qaaliga ah Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa Gobalada.

Waa Olole daaah-furan waxaan si toos ah ugu Dhawaaqeeynaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan Wxaan Sidoo kale idiin-la wadaagayaa in xaflad balaaran aan u sameyn doono macaamiilkiii ku guuleystay gaariga Waxaan ka codsanaya Xildhibaanada sharafta leh inay Nagala Soo qeyb-galaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada Green Hope University Dr: Mustaf Macalin Cabdulle oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha Ku shubo oo guuleeyso 10’000 Hadiyadood.

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10’000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu Nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 24 aad Waxaan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel waxaa xusid mudan in galabta Shirkada Si toos ah ugu dhawaaqeyso Macaamiilki ku guuleystay gariga Hyundai Waan ku Faraxsanahay inan goobjoog unoqo Xaflada Daah-furka Ololaha ku shubo oo guuleyso & Galabta oo si rasmi ah loo soo xirayo”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay Xildhibaan:Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo Lagu Sharfay Inuu Generate-gareeyo Gaariga Hyundai-ga Sedexaad Isagoo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso & hadiyadaha qiimaha leh ay bulshada ku Celineeyso

“ Waxaan si diiran u bogaadinayaa Maamulka sare ee Somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo qabaneeysa barnamijkaan daah-furnaanta leh iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in Dahabshil Group Maal-gelin balaaran ka sameeysay guud ahaan Soomaaliya Waa shirkadda Kaliya ee ka qeyb-qaadata Had & jeer Taakuleynta dadka danyarta ah Waxaan goobjoog U ahaa Xafladii Gaariga 1ad lagu gudoonsiiyay Maamo beeraleey Dan-yar ah oo ku Nool Deegaanada Hir-Shabelele Galabta Waxaa leygu sharfay inan gacanteyda Ku Generate gareeyo Wxaan rajeeynayaa beeraleeyda inay ku guuleystaan Waxaan diyaar u mahay hadii ay Geeleeyda naga guuleystaan inan u hambalyeeyno waa nasiib Lama Saadaalin karo Cida Ku guuleysaneeysa Waxaan balan-qaadaya Xaflada lagu abaalmarinaayo macaamiilka ku guuleystay gariga Sedexaad inan ka soo qeyb-galo Sida uu iga Codasady Ku xigeenka waaxda ganacsiga Mudane: Cumar Maxamed Nuur ( Saacid)”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada ka hadlay Mudane: Xildhibaan Yuusuf Xeyle jimcaale oo bogaadiyay wax-qabadka muuqda ee shirkadda Somtel & Hormarka balaaran ay ku talaabsatay

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno macaamiisha u tartantay hadiyadaha ‘10’000 todobaadkii 24 aad Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta si gaar ah uga soo qeyb-galo Marka Dib loo daah-furo sanadka Cusub 2022 Si dhow ayan ula socdaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado wax ku ool ah sida: gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab, Laptop-yo I.w.m waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso 10’000 hadiyadood.

Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan Galabta Waxaan la damaashaadeeyna Macaamiilkii ku guuleystay gaariga Sedexaad oo ku nool gobalka banaadir Waxaan leenahay hadiyadaha Somtel dalka oo idil ayey wada gaartay Labada gaari ee horay Somtel u bixisay waxaa ku guuleystay gobalada Hiiraan & Baay Galabta. Waa galabtii Gobalka banaadir Hambalyo ayan Leenahay Weliba D/ kaaraan uu ku nool yaahy macaamiilka gaariga 3-aad ku guuleystay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10’000 hadiyadood ee sanadka 2022 , Shirkaddu ugu talagashay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo Hanti ma guurto ah & & hadiyado kale oo qaali ah
kuwasoo la gudoonsiin doono Macamiilkii ku guuleysta 31 bisha December 2022 Welib si rasmi ah aan ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay Hantda Ma guurtada waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood.

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai Sedexaad ay ku guuleysatay Macaamiil Lagu Magacaabo Xaliimo Cumar Karaani oo ku nool Degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir Shirkadda isgaarsiinta Somtel waxa ay ku bixin doontaa Gaariga Hyunda-ga Sedexaad xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan Magaalada Muqdisho Hadaba si dhow ula soco Munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

- Advertisement -