(Sawirro) Ciidanka Gorgor oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandoska Gorgor ayaa howlgal ka sameeyay degaano ka tirsan  gobolka Shabeellaha hoose oo ay dhaqdhaqaaqyo la wadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Howgalka ayay ciidamadu ka sameeyeen degaannada kala ah, Bariire, Tooratoorow, Mubaarak, Shaam-garre iyo Jowhar-yarey, kuwaasoo hoostaga degmadda Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaandoska Gorgor Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen lix Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

G/lle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle ayaa intaas ku daray inay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ka saarayaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Meelaha qaarkood iska caabin aan sidaa u weyneyn ayaan kala kulanay, khasaare ayaana gaaray caddowga, anaga ciidankeena waa bad qabaan, weyna sii soconayaan howlgalada” ayuu intaas ku daray G/lle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -