Ra’isul Wasaare Rooble oo telfoon kula hadlay Molly Phee iyo Waxii ay kawada hadleen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka telefoonka waxa ay ku wada hadleen Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee .

Rooble iyo Molly Phee ayaa waxa ay kawada hadleen arimo dhoor ah ay kamid ahaayeen xaaladda siyaasadeed dalka ku jiro xiliga, amniga iyo khilaafka ka jira doorashada golaha shacabka ee dalka ka bilaabatay.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee xog ka siiyay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo iyo waxa uu salka ku hayo .

Rooble ayaana u cadeeyay dowlada Mareykanka in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan raali ka aheyn in dalka ka dhacdo doorasho hufan uuna doonayo in faragalin ku sameeyo dooarshada si loogu soo saaro xubno uu isagu rabo.

Dowlada Mareykanka ayaa cadaadis ku saareysa madaxda dowlada gaar ahaan Farmaajo iyo Rooble in ay xiisada u dhaxeysa qaboojiyaan kana shaqeeyaan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho lagu kalsoonaan karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -