Warar is diidan oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa wali wax ka dhax jira khilaaf xoogan, waxa ayna xubnahah guddigan u kala jabeen labo garan oo kala taabacsan guddomiyihii hore ee guddigaasi Maxamed Cirro iyo guddomiyaha KMG ee guddiga Mowliid Mataan.

Qoraal kasoo baxay guddiga garabka Mowliid Mataan oo lagu baahiyay warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in weli gacantooda ka maqan yihiin barihii guddigaasi sida Websetka, Facebook iyo Twitter , waxa ayna cadeeyeen waxii barahaasi lasoo dhigo in aysan sax aheyn.

”Waxaa wali ka maqan gacanta guddiga doorashooyinka Heer Federaal FEIT dhammaan ciwaanadii ay ku lahaayeen baraha bulshada sida: twitter, Facebook, website, sidaa darteed inta dib loogusoo celinayo guddiga wixii lasoo galiyo ma aha wax guddiga kasoo baxay.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashooyinka Garabka Mowliid Mataan.

Dhinaca kale qoraal lasoo dhigay barta Facebooka ee guddiga doorashooyinka heer federaal uu soo saaray guddomiyihii hore ee guddigaasi Maxamed Xasan Cirro. ayuu kaga digay in kalaka qeybiyo xubnaha guddiga.

Qoraalka Cirro soo saaray ayuu ku sheegay in guddiga doorashada uu yahay mid madax banaan kuna shaqeeya heshiisyadii horey loo gaaray, waxa uuna ugu baaqay siyaasiyiinta in ay kala qeybinta ka daayaan guddiga.

”Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka waa mid ka madax banaan fikir siyaasi, wuxuuna ku shaqeeyaa mabaa’diida heshiiskii 17 Sebteembar 2020, waxaan ugu baaqaya siyaasiyiinta in ay kala qaybinta ka daayaan guddiga, lagana shaqeeyo sidii marxaladdaan adag aan si wada jir ah uga gudbi lahayn, xalka keliya ee hadda aan haysano waa in doorashada la dedejiyo, aan ka shaqayno dhamaystirka xildhibaanada dhiman.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa u muuqda kuwa ku milmay siyaasada una kala jabay labo garab oo kala taabacsan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaar Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -