Prof. Saciid Ciise: “Cid walba waa u muuqata ineysan doorasho dhaceyn inta Farmaajo joogo”

Raisul Wasaare Rooble wuxuu ku adkeysanayaa in ay doorashadu sii soconeyso, Farmaajana ma diidana in doorashadu sii socoto, balse wuxuu rabaa iney sii socoto bilooyin ama sanooyin, laakiin cid walba waxaa u muuqata ineysan doorasho dhaceyn inta Farmaajo uu joogo madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkuba waxey sugayaan in Rw Rooble ku dhawaaqo in Farmaajo ay ka dhamaatay mudo xileedkii xil sii haynta oo uu ku joogey madaxtooyada Villa Soomaaliya. Taas oo sii joogistiisu ka dhigtay iney carqalad lamaane ah ku noqotay dadaalada sida deg dega ah loogu qabanayo doorasho dalka ka dhacda.

Haddi go’aankaas uu ka soo baxo Rw wasaaraha waxaa shacabka iyo caalamka u cadaaneysa sidii loogu taageeri lahaa raisulwasaaraha sida ugu fudud oo Farmaajo Villa Soomaaliya looga saari lahaa. Laakiin shacabka iyo caalamkuba waxey shaki xoogan ka qabaan in Rooble iyo Farmaajo ay wada jilayaan ciyaar siyaasadeed ay si wadajira u wada wadaan oo weli hamigoodii si hoose isgu xirnaa uusan weli kala dhamaan.

Waxaa tuhun weyn laga wada qabaa in labadooduba ay kala goconayaan dano shaqsiyadeed oo aan ahayn danta iyo maslaxada ummadda, taasna ay suurtogal tahay in dalaalinta labada dhinac ay xaal mastuur ku dhameeyaan ismaandhaafkooda shaqsiyadeed. Cid walba waa ay u muuqataa sida ay dagaalkooda isugu bartilmaameydsanayaan danahooda shaqsiyadeed.

Taas oo aysan marna labadoodu ku dhiiraneyn iney u soo jeediyaan danta guud ee maslaxadda ummadda awgeed in labadooduba xilalka ay sheeganayaan ay uga wada tanaasulaan ama ay u wada gaari la’ yihiin in siyaasiyiin iyo waxgarad dhexdhexaada ay wada tashi kala yeeshaan maslaxada ummadda oo ay ka baxsan tahay ismaandhaafka ku saleysan danahooda gaarka ah.

Marka Rw Rooble leeyahay doorashada waan dedejinayaa oo haddana uu Farmaajo leeyahay si tartiiba u socodsii, isla markaasna aysan labaduba run ahaantii aysan rabin in la soo kala dhexgalo oo la go’aamiyo wax aan labadoodaba dan ugu jirin, laakiin ah maslaxada guud ee ummadda, ayaa waxaa halkaas kaaga muuqanaya sababta labadooduba uusan midna ugu dhiiran karin inuu kan kale si toosa uu si rasmiya xilka uga qaado.

Meeshaas waxaa ka muuqda kala durugsanaan fursad siineysa cidii shalay isku haysey labadooda in ay weli u furan tahay si niyad samiya iney haddana isugu xirto qalbiyadooda oo saluuga dhexdooda ah ay niyad saafiya dhex dhigta. Ismahurto iney yihiin waxaa cadeyn yaqiina u noqon karta fariinta uga kala imaaneysa dhexdhexaadiyeyaasha dhextaalka u ah ka macaashida waxyaabaha ay dhabqiyaan.

Waxaan rumeysanahay in Rooble iyo Farmaajo uusan midna istaahilin in loo hiiliyo oo labadooduba ay ugu dambeysta caasinayaan cid kasta oo u gargaartey, waxaana hubaal ah si kasta oo ay isgu fogaadaan iney labadooduba maskax ahaan dareenka mataan ka yihiin oo marar badan ay mariinka garashadoodu jid keliya wada maraan.

Rooble ma lahan aragti karti wadata, sidaas daradeedna ma noqon karo mid Farmaajo meesha ka saari kara, bal u badi inuu halis u yahay in sabab uu u noqdo in Farmaajo dib u soo noqdo. Sida muuqata doorasho gabalkeedii waa sii dhacaya ee yaan la isku haleyn Rooble oo cago caruureed ku sameynaya cagajugleyn baalmarsan bartilmaameedkeeda.

Ha la dhiso xisbi guud oo isbaheysi siyaasadeeda oo talowadaag lagu mideysan dhexdhigta inta badan xisbiyada siyaasadeed, taas oo loogu gudbayo soo dhisida dowlad wadaag xil gaarsiina oo muddo sanad ka yar doorasho ku qabata.  Hiilo qabiil oo labadooda mid ka mida lala garab istaago waxey dib noogu celineysaa dhaqankii dowladahii musuqmaasuqa iyo dimoqaraadiyada beenabuurka ku dhisneyd, taas oo qabiilo gaara ay dalka awoodiisa iyo kheyraadkiisa ay iska maamulanayeen.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -