Ilhan Cumar oo ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo in uu ka baxo Madaxtooyada

Ilhan Cumar oo katirsan Koongareeska dalka Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo in uu isaga baxo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in madaxweyne Farmaajo mudo sanad ku dhaw fadhiyo Villa Soomaaliya iyada oo mudo xileedkiisu dhamaaday, waxa ayna ku baaqday in si deg deg ah loo qabto doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

”Farmaajo sanad ayaa ka soo wareegay markii muddo xiledkisu dhamaday. Waxa la joogaa wakhtigii uu meesha banayn lahaa, oo ay doorashadu wakhtigeedu daahday qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan”. ayey tiri Ilhan Cumar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lumiyay kalsoonida dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, waxa uuna Farmaajo hada mar kale dalka galiyay khalalaase siyaasadeed oo laga cabsi qabo in dagaal sababo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -