Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed ayaa qoraal kooban uu goordhaw soo saaray ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble in xaalka dejiyaan.

Mahdi Guuleed oo aad loo hadal hayay in uu la safan hayay Madaxweyne Farmaajo uuna socdo qorshe si KMG ah loogu sii dhiibayo xilka Ra’isul Wasaaraha ayaa hada diray fariin nabadeed oo ku socota labada masuul.

”Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan.” ayuu ku yiri qoraal uu Mahdi Guuleed goordhaw soo dhigay bartiisa Facebooka.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa hada u muuqda in uu dhax dhaxaad ka yahay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble uuna doonayo in labada masuul khilaafka ka heshiiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/7kMlGcCYvzU

Related posts

Dal Muslim ah oo Marti gelinaya Maal-qabeenada Ruushka ee Reer Galbeedku beegsanayaan

Caydiid Ali

Dowladaha Mareykanka iyo Iran oo gaaray heshiis cusub (Muxuu ku saabsan yahay)

Caydiid Ali

Qaybta 2 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin
Taboola Ads ---