Baarlamanka Galmudug oo cod aqlabiyad leh ku sixiyey degmo cusub (Sawirro)

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii Caadiga ahay, waxaana shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayna ku wehlinayeen labada Gudoomiye ku xigeen

Ajandaha kulanka Maanta Sabti ah ayaa ahaa,

  1. Ansixinta Qaraarka Xukuumadda ee Degmeynta Xeraale
  2. Bandhigga & Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Biyaha Galmudug.

Wasaarada Biyaha Galmudug ayaa kulankii maanta Golaha Baarlamaanka horkeentay Hindise Sharciyeedka Biyaha Galmudug si ay wax ka badal ugu sameeyaan kadibna ay u ansixiyaan Golaha Baarlamaanka Galmudug

Sidoo kale Wasaarada arimaha Gudaha iyo dib uhishiisiinta Galmudug ayaa Golaha Baarlamaanka horkeentay Qaraar kasoo gudbay Xukuumadda kaas oo ah Degmeynta Xeraale

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug ayaa Xildhibaanada usharaxay Sababaha ay Xeraale ku muteysatay Degmanimada isaga oo Xildhibaanada ka codsaday meelmarinta Degmeynta Xeraale

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey Degmeynta Xeraale

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ugu dambeynti kudhawaaqay in Baarlamaanka Galmudug meel mariyay Degmanimada Xeraale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -