Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo saaray qoraal lagu soo xirayo 3 nin oo ku eedeysan..

Xeer ilaaliyaha Qaranka amar ku bixiyay in la soo xiro Saddex eedeysane oo loo heysto ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliye kuxigeenka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan  Cabdullaahi Maxamed loona diray Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa lagu amray in la soo xiro muwaadiniinta Magacyadooda ay kala yihiin.

1-Yuusuf Jaamac degan Muqdisho oo loo heysto dhoofinta Dhuxul gaareysa 100,000 ah jawaan

2-Axmed Xaaji Cali degan Muqdisho oo lagu eedeeyay dhoofinta Dhuxul gaareysa 20,000 oo jawaan

3-Liibaan Xuseen Kaarshe oo loo heysto inuu dhoofiyay dhuxul gaareya 20,000 oo jawaan

Xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Dhoofinta dhuxusha ay tahay fal danbiyeed lagu ciqaabi karó, xeeka ciqaabta Soomaaliyeed, iyo Qod: 51-56-57, ee xeerka ilaalinta Deegaanka iyo Duur-joogta oo lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Anaamka Qaramada Midoobay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -