Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo maanta ka qeyb galay Tukashada Salaad Roob-doon ah (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah oo heer qaran ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana maanta laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka.

Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan.

Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta.

 

Related posts

Masar oo isaga baxday Wadahadaladii Wabiga Niil iyo Sudan oo hanjabaad jeedisay

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo baaq muhiim ah u diray Dalalka Islaamka xilli uu ka baaqday Shirka…

Cabdi Cade

Kenya oo soo dhoweysay warbixintii IGAD ka soo saartay khilaafka kala dhexeeya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---