Maraykanka oo digniin ka bixiyey gaabiska ku yimid doorashada ka socota Somalia

Safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Soomaalida ugu baaqday inay dar dar geliyaan doorashada dalka.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda ayaa madaxda maamul goboleedyada loogu sheegay in loo baahan in laga baaqsado dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, dhanka kalena ku baaqday in la dadajiyo doorasho caddaalad ku dhisan, hufan, loo wada dhan yahay isla markaana waqtigeeda ku dhacda.

Hadallka Maraykanka ayaa ku soo aadaya ayadoo liiskii ugu horeeyay ee musharaxiinta kuraasta aqalka hoose uu shalay soo saaray maamulka Jubbaland.

Talabadan maamulka Jubland ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dorraad guddiga doorashada ee heer federaal ugu baaqeen maamulada Hirshabele, Jubbaland iyo Puntland in ay bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -