Dr. Jalaaludiin: “Muqdisho waxey wajaheysaa todobaadyo xanuun badan”

Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin oo xubin ka ah Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa sheegay in xaalada cudurka ee magaalada Muqdisho ay haatan tahay mid halis ah uuna ku dhex faafay bulshada.

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii caawa la xaqiijiyey in qofkii ugu horeeyey uu cudurkan ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, lagana helay afar qof oo cusub.

“Muqdisho waxey wajahi doontaa todobaadyo xanuun badan dad badan buu so ridan doonaa Carona wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankood baaritaan baa la marsiiyey maadama 2 naga mid ah laga helay Natiijada wa arkeynaa“ ayuu yiri dhaqtarka.

Jamaaludiin ayaa sheegay in sidoo kale qofka cudurka u geeriyooday loo dhaqi doonaa loo aasi doono habka hada ay dunida isla qaadatay iyadoo Shareecada la marsiinayo si dad kale loo badbaadiyo waxaan hadda la karantiilay ayuu yiri dhamaan dadki uu marxumka la macamaaliyey oo ehel iyo asxaab lahaa oo booqanayey intu xanuunsanaa.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA DHAQTARKA

- Advertisement -