Ciidamada K/Galbeed oo Howlgal gaadmo ah ka fuliyay deegaano Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidamada gaarka ee ilaalada Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Howlgal ay ka sameeyeen deegaano ay Al Shabaab maamulayeen.

Ciidamadan oo watay gaadiid dagaal ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay Deeganada Ceeldoon,Yaaqle,Seydheelow,Ayrooble,Nibka saar,Maguurto iyo Caasha gaabo .

Dagaal daqiiqado kooban socday ayaa dhax maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha howlgalkan hogaaminayay ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan Al Shanaab sidoo kale hub kasoo furteen dagaalyahanada Al Shabaab.

- Advertisement -