Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Haweeney saaka toogasho lagu dilay & Booliska oo qabtay ninki dambeeyey

Degaanka Balicad oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa saaka lagu dilay Haweeney ka mid aheyd dadka degaanka ka dib markii lagu furay rasaas.

Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu Haweeneyda dilay isagoo ka dibna ka baxsaday goobta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka wax dilay iyo haweeneyda ay ka wada tirsanaayeen dadka degaanka, uuna soo kala dhex galay muran horseeday dilka haweeneyda.

Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq oo dilka ka dib howlgal sameeyey ayey u suuro gashay inay gacanta ku dhigaan Ninkii ka dambeeyay dilka Haweeneyda sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaanadaas.

Gacan ku dhiiglaha ayaala sheegay inuu haatan xiran yahay, lana soo taagayo Maxkamad sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Caabudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Salman Cabdullahi Cismaan oo si arxan darro ah loogu dilay magaalada Queestown

Cabdi Cade

Safiiro Mareykan ah oo shaqada uga tagaya Madaxweyne Trump dartiis

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Jaamacadda Carabta oo taageero Maliyadeed u balan-qaaday Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---