Heyadda IFRAH Foundation oo xustay Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha (Sawirro)

Munaasaabad lagu xusayey Maalinta caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha (World Human Rights Day) ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabadan soo qaban-qaabiyey heyadda IFRAH Foundation oo ah heyad u dhaqdhaqaaqda ciribtirka gudniinka fircooniga ah ee Somalia, iyadoo ay ka soo qeyb galeen xubno kala duwan sida haween, Culimaa’idiin, dhalinyaro, aqoonyahano, bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Xubno ka kala socday qeybaha bulshada oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeeraaday muhiimada ay leedahay baab’inta iyo ka hortaga xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo sidii wax looa qaban lahaa dhibaatooyinka loo geysto haweenka iyo caruurta oo ah dadka ugu jilicsan bulshada.

Madaxa Heyadda Ifrah Foundation Ifraax Ahmed oo munaasabada ka hadashay ayaa faahfaahisay xuska maalintan iyo waxa ay ka dhigan tahay.

“Sanad walba 10-ka December, caalamka waxaa laga xusaa maalinta xuquuqul insaanka, waana maalintii sanadkii 1948-kii, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu meel mariyay Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. kaasoo ilaalinaya xuquuqda lama-guuraanka ah ee qof kastaa iyadoon loo eegayn jinsiyad, midab, diin, lab ama dhedig, luqad, siyaasad, hanti, dhalasho ama xaalad kale” ayey tiri Ifrah Ahmed

Waxay sidoo kale diirada ku saartay xaaladaha dhinaca xuquuqda aadanaha ee ka jira Somalia, iyadoo xustay in halku dhega caalamiga ah ee sanadkan uu yahay- Yaraynta sinnaan la’aanta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha (Equality – Reducing inequalities, advancing human rights)

“Ujeedada laga leeyahay xuska maalintan waxay tahay inaan is-xusuusino muhiimada ay leedahay xuquuqa aadanaha, waxyaabaha la qabtay iyo sidii loo wajihi lahaa dhibaatooyinka iyo xad gudubyada weli sii sii socda” ayey intaas ku dartay.

Sidoo kale Ifraax aya ku dheeraatay dhibaatooyinka uu haweenka u leeyahay Gudniinka Fircooniga ah jir ahaan iyo maskax ahaan, iyadoo dhiirigelisay in la ilaaliyo xuquuqda Gabdhaha & Haweenka.

Ifraax Macalin Axmed oo ah gabar u ololeysa xuquuqda aadanaha, joojinta gudniinka fircooniga iyo ka hortaga kufsiga ayaa ku guuleysatay sanadkii 2015 biladda sanadlaha ah ee xuquuqda Haweenka Africa Afrika taasoo ay bixiso hay’adda Women for Africa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -