Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubin ka tirsan Guddiga doorashada federaalka oo ka hor yimid kuraasta la laalay

Yuusuf Maxamed Khayre (Guurow) oo ka Mid ah Gudiga hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal ayaa ka hor yimid go’aankii ka soo baxay guddigaasi ee ahaa in lagu noqonayo doorashada kuraasta tirsigooda yahay Hop154 iyo Hop103 ee ka dhacday Baydhabo

Guurow ayaa sheegay inaan lagu noqonaynin doorashada kuraasta Hop154 & Hop103 inkastoo Raisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xussen Rooble uu soo dhaweeyay in go’aanka guddiga.

Waxaa uu sheegay in kursiga Hop103 ay beeshi laheyd u diiday in loo xiro Prof. Jawaari oo sidaas doonayey, horeyna ugu fadhiyey kursigaas, wuxuuna xusay ineysan jirin cid ka hor joogsatay inuu tartamo, wuxuuna cabashiisa ku sifeeyey mid aan xaqiiqo aheyn.

Kursiga Hop154 oo ay ku guuleysatay xildhibaan Sareedo oo horey ugu fadhiday, kaasoo ka md ahaa kuraasta la laalay ayuu sheegay Guurow iney sax tahay in gabadha malxiiska aheyd ee la tartantay ay aheyd mid aan qaangaarin, balse waxaa uu xusay in qaladkaas uusan aheyn mid mid weyn.

Yuusuf Maxamed Khayre (Guurow) oo ka Mid ah xubanaha koonfur galbeed ugu jira Gudiga hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal ayuu hadalkiisu u muuqdaa mid lagu carqaladeynayo go’aanka ka soo baxay guddigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda dowladaha Masar iyo Jordan oo digniin culus u diray hogaanka Israel

Caydiid Ali

Al Shabaab oo ka hadashay in ay Wadahadal la galayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Somaliland oo jawaab adag ka bixisay amar kasoo baxay DFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---