Allbanaadir.com
NEWS

Sare u qaadista Dakhliga usoo xarooda Gobolka Banaadir oo laga shiray (Daawo Sawirada)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir muhiim ah ka yeeshay sida ugu macquulsan ee xiligan sare loogu qaadi karo dakhliga canshuuraha ee usoo xarooda Dowlada Hoose ee Xamar.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa shir Guddoomiyey kulankan looga hadlayey sidii loo dar-dar gelin lahaa guddi hoosaad loo sameey sidii dakhliga canshuuraha kor loogu qaadi lahaa.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Agaasimeyaasha xafiiska maaliyadda Gobolka iyo kuwa Dakhliga ayaa waxaa ay ka warbixiyeen wixii u qabsoomay iyo hadafyada miro dhalka ah ee ay hiigsanayaan.

Mudane Axmed Xasan Iimaan Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galayaasha kula dar daarmay inay sare u qaadaan cashuuraha, ayna ka fogaadaan waxkasta oo keeni karta musuq maasuq.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay bilaabay dar dar galinta shaqooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan dhanka maamulka iyo Maaliyadda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Darawal bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweyne Erdogan iyo Madax kale

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---