Masjid ku yaalla dalka Malaysia ayaa dalxiisayaasha laga mamnuucay iney booqdaan kaddib marki ay laba haween ah oo loo maleeyey iney ajnabi yihiin ay muuqaal iska duubeen oo ay barasha bulshada geliyeen.
Labada haween waxay xirnaayeen dhar gaagaaban oo jirkooda muujinaya waxayna muuqaalka isaga duubeen iyagoo ku jaasayo masaajid Kota Kinabalu ee ku yaalla jasiiradda Borneo.
Hay’adaha ay quseysa ayaa waxay ku guda jireen sidi loo soo saari lahaa haweenkaasi waxa ay yihiin, waxayna ugu dambeynti ogaadeen iney ahaayeen haween ajaanib ah oo ka soo jeeda bariga Aasiya.
Masuul ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sabah ayaa wuxuu sheegay muuqaalka inuu yahay mid muujinayo ixtiraam la’aanta ay heweenkan u hayaan diinteenna Islaamka ee soo dhaweynta iyo wanaagga ku dhisan.
Maamulaha masaajidka ayaa wuxuu sheegay gaadiidka shacabka inaan loo oggoleyn iney dalxiisayaal dambe ay keenaan masaajidka iyo agagaarahiisa, wuxuuna intaa ku daray iney wadahadallo u socdaan wakaaladaha ka shaqeeya dhinaca dalxiiska si looga hortago dhacdooyinka noocan ah.
Dalxiisayaasha booqanaya masaajidda ku yaallo Maleysiyana waxaan kula talinayaa ayuu yiri iney soo xirtaan dhar asturan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com