Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Itoobiya oo magaalooyin kale dib uga saaray kooxda TPLF

Militariga Ethiopia, ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo Maleeshiyaadka fano oo iskaashanaya ayaa la wareegay magaalada istaraatiijiga ah ah ee Gashana oo ku taalla degaaanka amxaarada.

Gashana waxaa horey u qabsaday kooxda TPLF oo dagaal kula jirta dowlada Itoobiya.

Wararka halkaa kasoo baxaya waxay sheegayaan in ciidamada iskaashanaya markii ay qabsadeen Gashana ay u kala ruqaansadeen magaalooyinka muhiimka ah ee Weldiya iyo Labileba oo ay gacanta ku hayso TPLF.

Guulahan ay maanta ciidamada dowladu ka soo hoyeen falaagada TPLF ayaa imaanaya xili maanta markale raisal wasaare Dr. Abiy Axmed uu kasoo muuqday jiidaha hore ee dagaalka waxaana la arkayay mararka qaar isagoo shir u haya kooxo saraakiil ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guushii Madaxweyne Joe Biden iyo kuxigeenkiisa oo la ansixiyay iyo Trump oo….

Cabdi Cade

Waa kuwee Shanta Kursi ee uu Farmaajo doonayo in laga fujiyo Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Madaxtooyada Soomaaliya oo Madaxweyne KMG ah u aqoonsatay Axmed Madoobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---