Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo danjire Francisco Madeira? (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.

Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay shir weyne lagaga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo noq noqday ee ka jira qeybo badan oo Jubaland kamid ah.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Jubaland isla markana lagu qabtay hab maqal iyo muuqaal ay ayaa waxaa ka qeybgalay Safaaradaha Dalalka Netherlands, Sweden, Uk iyo wakiilada hay’adaha gargaarka ee ka howlgal dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada hada taagan loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo wax lagaga qabto xaalada taagan iyadoo howlahaas ay ka shaqaynayso Wasaarada gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in gargaarka iyo taakulada loo baahan yahay ay hada tahay wakhtigii ugu macquulsanaa ee la gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -