Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga Somalia oo Raali gelin ka bixiyay Khalad uu sheegay in Jeebkiisa sameeyay !!

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa barta Twitterka ku leeyahay ku sii faafiyay qoraal iyo sawir dacaayad ah  oo ka dhan ahaa Dowlada Turkiga.

Qoraalka uu Wasiirka Amniga bartiisa kusii faafiyay Sawir gacmeedka la raaciyay “Turkey waxay Ethiopia ku harqineysaa drones, kadibna waxay shacabkeeda u sheegeysaa inay Adis Ababa uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan ayaga oo aan dib u dhigin.”

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaana raali gelin deg deg ah ka bixiyay qoraalkan uu kusii faafiyay Twitterka, waxa uuna sheegay Wasiirka khaladkan si aan ku tala gal aheyn uu u dhacay uuna ka yimid jeebkiisa .

Waxa uu sheegay Wasiirka Amniga  in telefoonka oo jeebkiisa ku jira uu dhacay fal celiskaas ka dhacay Twitterka, waxa uuna cadeeyay in isagun uusan waxba ka ogeyn kahor inta aan lagu soo war gelin.

“Waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah bogagga baraha bulshada lagu siyaasadeeyo faainta uu jeebkeyga ku sameeyay twitter, jahwareer kasta oo arrintaas kama’a ah ay cid walba ku keentayna waxaan ka bixiyay raalligelin,” ayuu Wasiirka ku qoray Twitter-kiisa.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaana qoraalka uu kala kulmeyn dhaleeceynta ka saaray bogga uu Twutterka ku leeyahay, waxa ayna arintan dhalisay hadal heyn badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbigii C/raxmaan Cabdishakuur oo lagu kala tagay iyo Masuuliyiin is casishay (Magacyada)

Cabdi Cade

Galmudug oo eedeyn u jeedisay Puntland iyo cabsi dagaal oo ka jirta Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa Baaq deg deg ah soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---