Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xuseen Iidow oo mar kale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Waxaa goordhaw doorasho natiijadeeda lasii ogaa oo ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad Goboleedka lagu doortay Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow)oo katirsanaa Xildhibaanadii waqtigooda dhamaaday.

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Dhuusomareeb oo sumadeedu aheyd HOP043 ayaa waxaa ku tartamayay Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Musharax kale oo lagu magacaabo Maxamed Xirsi Faarax.

Guddiga Doorashada ayaana shaaciyay in doorashada dhacday uu ku guuleestay Xildhibaan Xuseen Qaasim Iidow oo helay 81-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Xirsi Faarah uu isna helay 11-cod.

Doorashada golaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Dhuusomareeb ayaa aheyd mid natiijadeeda inta badan lasii ogyahay, waxaana doorashada ku tartamaya Musharax la wato iyo shaqsi malxiis ahaan uu usoo wato musharaxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo Muqdisho soo gaarsiisay lacag ka badan Nus Milyan Dollar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyaha booliiska iyo Duqa Muqdisho oo la hadlay Banaan baxayaasha (Daawo Muuqaal+Sawiro)

Cabdi Cade

Labo Qarax oo goordhaw ka dhacay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Somalia

Cabdi Cade