Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag kasoo saaray sida ay ku socoto Doorashada

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka digay sida ay hada ku socoto doorashada Xildhibaanada golaha shacabka in dalka u horseedi karto khalalaase.

Musharaxiinta ayaana walaac xoogan ka muujiyay sida ay hada ku socoto doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka, waxa ayna sheegeen in aan la aqbali karin in doorashada sidaan loo musuq maasuqo loona maamulo.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in muddo ah ay raadinayeen in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo watigeeda ku dhacda , balse ay ku guuldareysteen hoggaanka Villa Soomaaliya ee lagu aaminay dalka.

Daahir Geelle ayaa sheegay in midowga musharaxiinta markii hore loo aas aasay in ay kahor tagaan mudo kororsigii Farmaajo, waxa uuna xusay in aysan aqbali karin doorasho la boobo uu sheegay in dalka dhibaato u horseedeyso.

“Hadafka loo aasaasay midowga musharaxiinta weli waa taagan yahay waxaan diidney muddo kororsi dad nool ayaa u dhintey,doorashada dalka waa la qaloociyay jidka waa laga leexiyey,sida ay hadda wax ku socdaana waxa aka dhalan kara burbur baahsan,doorasho la boobana waan soo aragnay.”ayuu yiri Afhayeenka midowga musharaxiinta.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan golahooda kulamo bulsho oo looga arinsanayo sidii dalka looga bad baadin lahaa khalalaase hor leh oo ka dhasha doorashada boobka ku bilaabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -