Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo saaka lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley hubeysan ayaa saaka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxay ku dileen oday dhaqameed ka tirsan Nabadoonada beelaha Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi ayaa toogasho la dilay xili uu sii galayey Masaajid ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha oo uu doonayey inuu ku soo tukado Salaada ciida.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka uu isla goobta ku qur-baxay, iyadoo kooxihii dilayna ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey dilka Nabadoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sadex musiibo oo dhibaato badan galineysa Geeska Afrika oo laga digay

Cabdi Cade

Wasaarada Waxbarashada oo si qasab ah ku hirgalineysa Manhaj cusub (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Madaafiic khasaaro geesatay oo lagu weeraray Xarunta Xalane ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---