Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

Saciid Deni oo kormeeray dib u dhis ku socda buundooyin ku yaalla Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Buundooyinka degaanka  Qayaadsame ee Gobolka Karkaar, oo dayactir iyo dhisme ay dowladdu ku wado.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybta koowaad ee Buundada weyn ee degaanka Qayaadsame oo ay gooyeen Roobabkii ka da’ay Puntland, haddana ay dowladdu dhisayso oo shaqo ku socoto.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo shirkadda dhismaha gacanta ku haysa, isagoo si qoto dheer ugu kuurgalay dhismaha iyo sida uu u socdo.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeeray Buundada labaad ee Qayaadsame oo Dowladdu dhistay dhowaana xarigga laga jaray.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ahmiyad gaar ah siiyay dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeyso dayactir iyo dhisme lagu sameeyo wadada weyn ee isku xirta Gobollada Puntland oo roobabkii ugu danbeeyay ay burbur u geysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo shaacisay magaca sargaal katirsan Al Shabaab oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade

Wasiir Sabriye: “Dhaqanka Ahlu sunna Waljameeca ka muuqda waa dib u noqosho”

Caydiid Ali

Maxaa jira in qaar ka mid ah raggii maanta weeraray Villa Somalia ay nolol ku baxsadeen?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---