Saciid Ciise: “Dhaqanka keli-taliska ah ma ogola inuu libin siiyo Madaxdii ka horeysey”

Heybada iyo xurmada madaxweyneyaashii hore waxey qeyb ka yihiin raasemaalka dalka oo waxaa ku keydsan qebo ka mida sirta dalka oo ay xogahooda hayaan, loona baahan yahay xogahaas ineysan u gacan gelin cadowga shisheeye oo danahooda ka dhex arkaya burburka jiritaanka Soomaaliya.

Waxey madaxweyneyaashaas xaq u leeyihiin in si rasmiya oo joogto ah loo sugo amnigooda iyo xogta ay xambaarsan yihiin, taas oo ay ku muteysanayaan iney helaan ilaalo ciidan iyo sirdoon qaran oo inta ay nool yihiin suga amnigooda, xogna ka siiya sirta hoose xaalada amni ee sida daahsoon dalka uga dhex jirta.

Madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin marka ay xilka ka degaan oo aysan dib dambe doorasho u soo geleyn in 6 bilood oo u horeysa kadib marka ay xilka ka degaan in la siiyo lacag dhan $250,000 oo ay ku maareeyaan isbedelka ku yimid nolosha caadiga ah oo ay dib ugu noqonayaan, kadib marka ay ka yimaadeen xil awood badan oo daryeelka noloshu ku xoog badneyd.

Madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin in la siiyo mushaar joogto ah inta ay ka dhimanayaan oo sanadkiiba ay ku qaataan $150,,000, taas oo afka ka xireysa in madaxdaas ay mucaaradaan maamulada jirey ama jira dabadood, waxeyna sidaas ka turjumeysaa anshaxa wanaagsan ee madaxweyneyaasha hore oo ka gaabsada eedeynta dadweynaha u furan oo ay uga horimanayaan madaxda maamulada ka dambeysey.

Madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin marka ay xilka ka degaan in dowladu ay ka bixiso qarashka xaafiis, sida kirada, qalabeynta, shaqaale, korontada, biyaha, Internetka, iwm, xaafiiskaas oo ay uga hawlgelayaan adeegyada odeytinimo oo ay u fidinayaan dalka iyo dadka, iyo weliba iney sameeyaan madxaf ay ku keydiyaan waxqabadkoodii inta ay xilka hayeen, si jiilalka dambe ay u helaan fursado cilmibaaris oo ay ku sameeyaan taariikhda ay reebeen. Xaafiiskaas oo leh miisaaniyad shaqaale oo sanadkii aan ka yareyn $100,000.

Madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin in dowladu ay dejiso guri amnigiisu sugan yahay oo aan ka fogeyn madaxtooyada dalka laga xukumo, looguna qalabeeyo gurigaas agabyada iyo shaqaalaha uu u baahan yahay, taas oo ka dhigan in madaxweyne hore uusan dib ugu noqon karin xil kale oo uu ka qabto dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedka, sidaasna uu ku yahay hawlgab uu daryeelkiisu dowladda dusha u saran yahay.

Madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin in dowladu ay ka bixiso inta ay nool yihiin caymis si buuxda u daboola daryeelkooda caafimaad iyaga, xaasaskooda, iyo caruurtooda aan qaangaarka ahayn, waxeyna taas ka hortageysaa Sharaf dhaca ku yimaada madaxda dalka oo aan awoodin iney daryeel caafimaad u raadsadaan dalka dibediisa, marka ay la soo gudboonaato xaalado caafimaad oo aan dalka gudahiisa waxba looga qaban karin.

Madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin iney yihiin safiiro guud oo u gudbinaya caalamka matelaada ay uga hadlayaan wanaaga guud ee dalkooda, sidaasna ay ku muteysteen haysashada basaboorka diblomaasiga iyo iney helaan miisaniyad safar oo sanadkiiba dhan $200,000 si ay khudbado uga jeediyaan fagaareyaal caalamiya ama ay daraasaad uga bixiyaan jaamacadaha adduunka ama ay fursado ugu helaan qoraalada kutubo ay qoreen oo ka hadlaya wanaaga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii madaxweyneyaashii hore waxey xaq u leeyihiin in marka ay dhintaan loo sameeyo aas qaran oo ay maamuusaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay ku sagootiyaan sharafta ay mudan yihiin, dabadoodna mushaarkooda ay sii qaataan xaasaskiisa inta ay nool yihiin iyo caruurta aan qaangaarka ahayn.

Madaxweyneyaashii hore si ay xuquuqdaas u yeeshaan waa ineysan ahayn kuwo ay xilka ka tureen baarlamaanka ama yihiin kuwo ka tanaasuleen ineysan dib dambe nuuc kasta oo ah xil dowladnimo aysan isku soo sharaxeyn, isla markaasna ay afkooda inta badan ay ka xiranayaan eed u soo jeedinta madaxda kale oo ka horeysey ama ka dambeysey si aan qarsoodi lahayn oo daah furan.

Madaxweyneyaashii hore kuwooda dhintay intooda badan waxey u dhinteen daryeel xumo caafimaad, iyagoo weliba qaarkood ay dibeda silic ugu dhinteen. Sidaas si la mida ayaa madaxweyneyaashii hore kuwooda nool waxaa dalka gudihiisa ku haysta amnidaro sokeeye oo ay dowladu qeyb ka tahay, taas oo kaliftay ama iney helaan xuquuqdooda ama ay qeyb ka noqdaan kacdoonada ka dhex jira dalka gudihiisa.

Dhaqanka kelitaliska ah ma ogola inuu libin siiyo madaxdii ka horeysey iyo dadaaladoodii ay halganka u soo mareen, balse wuxuu taas ka door bidayaa inuu dumiyo wax kasta oo amaan mudan kara isaga hortiis, si jiilalka dambe ay u arkaan oo keliya waxa uu isagu sheeganayo inuu qabtay oo aan dhab ahaan u muuqan. Dastuurka dalka waa inuu xadeeya in laba jeer ka badan uusan madaxweyne xilka u tartami Karin, isla markaasna uusan xilal kale dowladda ka qaban Karin.

Prof. Saciid Ciise Max’uud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -