Dowlada oo shaacisay magaca sargaal katirsan Al Shabaab oo dagaal lagu dilay

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan Qaybta 43-Aad ayaa shalay weerar ku qaaday deegaano hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas ay ku sugnaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidanka dowlada ee weerarlka ku qaaday deegaanada kuyaala duleedka Baardheere ayaana dagaal xoogan kala kulmay Al Shabaab, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal xoogan oo mudo kooban socday.

Taliyaha Qeybta 43-aad Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa Warbaahinta ciidanka dowlada u sheegay in weerarka ku dilay sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab iyo dagaalyahano la socotay.

Waxa uu sheegay Jeneraal Bogmadoow in howlgalka dadka lagu dilay uu ku jiro sargaalka Al Shabaab u qaabilsanaa degmada Baardheere iyo deegaanada hoostaga, waxa uuna magaca sargaalkaasi kusoo koobay Zakariye Sheekh.

Al Shabaab ayaan ka hadlin dagaalkan ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Baardheere ay saraakiisha dowlada sheegeen in ay ku dileen sargaalkii kooxdaasi u qaabilsanaa degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -