Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya 19 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiixday heshiis dhaqaale oo gaarayo 19 Milyan oo dollarka Mareykan, si wax loogu qabto dib u-soo kabashada ilaha Dhaqaalle iyo ganacsi ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo socday ku dhowaad labo sanno ayaa maanta ay kala saxiixdeen hay’ado gargaar ah oo laan ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo taageerto ganacsiga iyo bankigyada iyo Bankiga Horrumarinta Jarmalka ee Germany (KFW) ku gaarayn magaalada Muqdisho.

Maalgalinta ayaa xoogga saari doonta ilaha kala duwan ee wax soo-saarka dalka sida Beeraha, Xoolaha, Kaluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Horumarinta dhalinyrada, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen munaasabada Qaar ka mid ah Agaasimyaasha Guud ee Wasaaradda ay khuseeyso shaqada, Madaxda sare Gargaaro, madaxda Bankigyada, Somaaliyeed iyo madaxa Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Safaaradda Germany ee Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiisha mashruucan.

Jarmalka waxa uu ka mid yahay dalalka si wayn u taageero dowladda Soomaaliya, waxuuna ka caawiya dhinacyada, Gargaarka, Horumarinta, farsamada ganacta, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muuse Biixi oo la ciiday shacabka Hargeysa, si kululna u weeraray dadka Muqdisho

Caydiid Ali

Hanjabaadyo qatar ah oo loo diray gabadhii Talyaaniga aheyd ee diinta Islaamka qaadatay

Cabdi Cade

Midowga Yurub: “Waa in laga fogaadaa qalalaase & rabshado ka dhasha Mudaharaadka”

Caydiid Ali