Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo lacag badan siineysa cidii keenta xog lagu soo qabanayo Sadex Nin oo baxsad ah

Xabsi si weyn amaankiisa loo ilaaliyo oo kuyaala duleedka magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa dhawaan ka baxsaday sadex nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen Al Shabaab xukuno xabsi dheer ahna horey loogu riday.

Dowlada Kenya ayaa xabsiga dhigtay baaritaana ku bilowday todobo sargaal oo katirsan ilaalada xabsiga ay ka baxsadeen xubnaha katirsanaa Al Shabaab, waxaana saraakiishan lagu tuhmayaa in ay qaateen lacago laaluush ah.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa heegan loo galiyay sidii ay usoo qaban lahaayeen sadexda nin ee xabsiga ka baxsaday, waxa ayna ciidamada amaanka wadaan howlgalo ay ragaasi ku baadi goobayaan.

Dowlada Kenya ayaa sidoo kale balan qaaday in ay siineyso lacag gaareysa $178,000 doolar ciddii keenta xog horseeda karta in gacanta lagu soo dhigo raggan ka baxsaday xabsiga kuyaala Nairobi.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso raga baxsadka ah, waxa uu sidoo kale sheegay in ay qaadayaan talaabooyin looga hortagyo in xabsiyada Kenya ka baxsadaan dambiilayaasha.

Sadexda nin ee ka baxsaday xabsiga kuyaala Nairobi waxaa ku jira Maxamed Cali Abiikar oo loo heestay in uu ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa, waxaana ninkan lagu xukumay  41 sanno oo xabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shirkada Somtel oo soo kordhisay adeeg cusub oo farxad galiyay shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay heshiiskii Berbera, kana digay in la hor istaago horumarka Somaliland

Caydiid Ali

 Abiy Axmed oo dalbaday in dowladiisa lagu soo wareejiyo Mengistu Haile Mariam

Cabdi Cade
Taboola Ads ---