Ra’isul Wasaare Kheyre oo Safar dhinaca dhulka ah ku tagaya Cadaado iyo Wafdi…

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo aadan la filayaa in ay gaaraan magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Kheyre iyo xubnaha la safraya oo ku sugan magaalada Dhuuso Mareeb ayaa saacadaha soo aadan safar dhinaca dhulka ku tagaya magaalada Cadaado ay joogaan Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee dowlada federaalka.

Wafdi horu dhac ah Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray magaalada Cadaado, waxa ayna wafdigan sii agaasimayaan safarka Ra’isul Wasaare Kheyre maanta ku tagayo Cadaado.

Ra’isul Wasaaraha ayaa magaalada Cadaado la filayaa in uu kula kulmo Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaanada labada aqal ee ku sugan magaaladaasi, waxaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo waxgaradka magaaladaasi .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

- Advertisement -