Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay lacagtii lagu qabtay garoonka Aadan cadde

Warar cusub ayaa ka soo baxaya Lacagtii shalay Booliska Soomaaliya shaaciyeen in lagu qabtay Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Lacagtan oo ka timid dalka Kenya ayaa la sheegay inay leedahay Haweeney ganacsato ah oo fadhigeedu yahay dalka Kenya, laguna magacaabo Saabiriin C/qaadir Isaaq, waxaana waday xiliga la qabanayey nin wakiil u ahaa ii ay soo dhiibtay.

Natiijo hordhac ah oo ka soo baxday Baaritaanka Booliska Garoonka Aaden Cadde ayaa lagu ogaaday inay lacagtaasi ay ahayd mid ganacsi.

Haweeneydan leh lacagtan ayaa soo gaartay Muqdisho, markii ay u yeereen Booliska, waxaana wax  laga weydiinayaa lacagta oo dhameyd ku dhowaad nus milyan Dollar  iyo qaabka ay dalka kusoo gelisay

Taageerayaasha Dowladda Somalia ayaa lacagtan u adeegsaday arrimo siyaasadeed oo ay ka muuqatay inay uga faa’iideysanayaan olole ka dhan ah Mucaaradka, iyagoo u fasirayey iney ka timid dal shisheeye, kuna socotay mucaaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka degmada Luuq ka socda

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaha Dibadda Denmark oo Muqdisho yimid iyo Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Askar hubkii ay wateen ka iibsaday Al Shabaab oo maxkamad lasoo taagay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---