Shiikh Umal oo jawaab cajiib ah ka bixiyey eedeymihii Shiikh Soomow

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka tirsan culimada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa ka jawaaby eedeymo uu soo jeediyay Sheekh C/qaadir Soomow oo ka tirsan culimada Suufiyada.

Eedeynta Shiikh Soomow ayaa timid ka dib markii Sheekh Umal uu shaaciyay inuu maalinta Jimcada ah ee 22-ka bisha November uu garoonka Eng. Yariisow ee magaalada Muqdisho ku qaban doono muxaarado.

Soomow ayaa si weyn uga soo horjeestay muxaadaradaas isagoo shacabka Soomaalida ka dalbaday inaysan ka qeyb galin muxaadarada Sheekh Umal oo uu ku eedeeyay inuu gaaleysiiyey Suufiyada, uuna taageersan yahay fekerka khawaarijta, isagoo xusay in fatwooyinkiisa lagu laayey dad badan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa wax lala yaabo ku sifeeyey hadalka Shiikh Soomow isagoo xusay in eedeymaha uu soo jeediyey ay yihiin kuwo aaney waxba ka jirin.

“Anigu ma ogi wax dood ah oo ka jirta muxaadarada, in la iclaamiyay oo aan ku talagashanahay unbaan ogahay. Wadaadku waxaan u maleynayaa inuusan warba heynin, ma hurdo ayuu kasoo kacay?, afkaarta uu ka hadlayo haddey tahay middan qolada xagjirka ah ay qabaan, dadka kaliya ee la dagaallamay annagaa ahayn, billowgii ilaa dhammaadkii, oo halis badan u galay, naftooda khatar loo galiyay, culimadeenni baa lagu laayay sida la ogsoon yahay, marka wuxuu ka hadlayo ma garanin, malaha wadaadku wuxuusan la soconin waxa jira, hadduu nin aqoon diimeed leh yahay, adduunka hadda jirana uu la socdo, waxaan u maleynayaa sidaas inuusan u hadleen” ayuu yiri Shiikh Umal.

Wuxuu sidoo kale Sheekh Umal iska fogeeyay eeeymaha la xiriira in hadalkiisa lagu laayay dad suufiyo ah iyo inuu gaaleeyay Ahlu Sunna.

“Aniga ma ogi fatwo tey ah oo suufiyo lagu laayay, wuxuu u baahan yahay inuu keeno meesha aan aniga ku iri suufiyada hallalaayo, ama dariiqooyinka hallalaayo, ama aan ku iri waa gaalo, isaga ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo”.

Sheekh Umal oo saldhiggiisu uu yahay dalka Kenya ayaa maalmahan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, isagoo ujeeddadiisu ahayd inuu gaarsiiyo dalka soo gaarsiiyo kaalmo ay iska soo ururiyeen Soomaalida Kenya oo loogu talo galay dadka ay saameysay fatahaada Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -