Jijimo ay laheyd Boqorad Xabsi ku geeriyootay oo lagu iibsaday Lacag Waali ah !!

Suuq Xaraash oo kuyaala dalka Switzerland ayaa lagu iibiyay jijimo ay laheyd boqoradii dalka Faransiiska, Marie Antoinette, Jijimahan ay boqorada laheyd ayaana lagu iibsaday lacag malaayiin dollar .

Jijimahan ayaa qof aan la aqoon waxa uu ku iibsaday lacag  ka badan $8 million oo dollar, waxaana lacagtan lagu iibsaday jijimaha ahaayeen lacag aan horey loo fileyn in lagu iibsan doono.

Marie Antoinette oo aheyd Boqoradii Faransiiska ayaa jijimahan u dhiibtay xubno katirsan qoyskeeda iyada oo xabsi ku xiran, waxaana jijimahan mudo ka badan 200-oo sano hayay iskuna dhiib dhiibayay xubno qoyskeeda katirsan.

Boqoradan ayaa kahor kacdoonkii ka dhacay Faransiiska, waxaa loo taxaabay xabsiga kaddib markii boqorkii Faransiiska oo ay xaaskiisa ahayd uu ku eedeeyay inay khatar ku tahay naftiisa.

Haweeneydan Boqorada kasoo noqotaya dalka Faransiiska ayaa xabsi gudihiis ku geeriyootay  sanadkii 1793, waxa ayna boqorada kahor inta aysan geeriyoon waqrqad ay usoo dirtay xubno katirsan qoyskeeda kaga dalbatay in loo xifdiyo jijimaheeda ay jecleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -