Waalidiinta Filsan Cabdullaahi oo lagu xiray magaalada Jigjiga iyo Sababta keentay

Ciidamada amaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta magaalada Jigjiga ku xiray Waalidiinta Filsan Cabdullaahi Axmed oo aheyd Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta ee dalka Itoobiya.

Filsan Cabdullaahi ayaa sheegtay in ciidamada amaanka dowlad deegaanka ay xireen waalidiinteeda kadibna weediiyeen su’alo iyada quseeya, waxa ayna sharci daro iyo xadgudub ku tilmaantay xarigaasi.

Xariga Waalidiinta Filsan ayaa lagu soo waramayaa in uu daba socdo mucaaradad cusub ay gabadhan oo horey uga tirsaneyd Xukuumada Abiy ku bilowday Dowlada federaalka iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale albaabada isugu dhuftay Telefishinka Nabad Tv oo xaruntiisa ku taalay magaalada Jigjiga, waxaana talefishinkan oo ahaa mid madax banaan iska laheyd Filsan Cabdullaahi.

Filsan Cabdullaahi ayaa noqotay gabadhii ugu da’da yareed oo Soomaali ah oo kamid noqota golaha Wasiirada Itoobiya, waxa ay sidoo kale noqotay qofkii ugu horeeyay oo Telefishin madax banaan ka hirgaliya dowlad deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -