Ciidamada Amaanka oo gacanta ku dhigay Burcad shacabka dhibaato ku hayay (Sawirro)

Ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay kooxo burcad ah oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba ku hayay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Kooxdan burcada ah ayaa dadka ka qaadan jiray moobeelada iyo agabyada kale ay wataan, waxa ayna burcadan inta badan dadka ku dhici jireen ,biskoolado iyo mindiyo ay mararka qaar dadka ku dhibaateeyaan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa cabasho ka dhan ah burcadan u gudbisay ciidamada amaanka, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay soo qabtaan burcadan xili dhac ku guda jireen.

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ragan qabashadooda ay iska kaashadeen shacabka magaalada iyo ciidamada booliska, sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalada ragan lagu soo qabqabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo maalmihii lasoo dhaafay dhac iyo dhaawacyo dad badan loogu geystay Goobahaas.

Waxa uu sheegay taliyaha  in ragaan burcada ah maxkamada la horgeyn doono si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado, waxa kalo uga digay dhalinyarada ku howlan falalka amaan daro gaar ahaan dhaca iyo dhibaateynta shacabka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -