Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo Magacaabay Guddi fulinaya xeerkii uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tixraacaya xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la xiriiray Ilaalinta dhulalka danta guud ayaa magacaabay Guddiga Fulinta xeerkii madaxweyne, kuwaas oo kala ah:

1) Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax Gudoomiye

2)Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur

3)Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur

4) Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego ayaa soo saaray Xeer lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya oo goor dhow shaaciyey in la soo afjaray Weerarkii Nairobi

Caydiid Ali

C/wali Gaas oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Fulgencio Guiz Garido (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Rooble oo Qado u sameeyay Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Ganacsato la socotay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---