Allbanaadir.com
NEWS

Diiwaangelinta Ergooyinka Dooranaya Golaha shacabka oo Muqdisho ka bilaabatay (Sawirro)

Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi Somaliland( SEIT) ayaa maanta bilaabay Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Gollaha Shacabka ee tirsigoodu yahay HOP#239 iyo HOP#237,.
 
Diiwaangelinta Ergooyinka ayaa si habsamiya uga socota xarunta Villa Rosa ee magaalada Muqdisho halkaas ay ku howlgalaan Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi Somaliland( SEIT).
 
 
Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa sidoo kale wada qabashada Codsiga araajida musharixiinta u tartameysa labada kursi ee sumadooda kala yihiin HOP#239 iyo HOP#237, kuwaa oo la filayo in doorashadooda dhawaan ka dhacdo Muqdisho.
 
 
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku sugan xarunta Lagu diiwan galinayo ergooyinka yo musharixiinta, iyagoona xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Gollaha Shacabka.
 
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Somaliland oo laga saaray inta badan Laascaanood ka dib dagaalkii caawa

Caydiid Ali

Caruur ku sugneyd dugsi Qur’aan & Macalinkii wax barayey oo duqeyn lagu laayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wado Laami ah oo adag tahay in Shacabka Muqdisho maraan oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---