Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxii ka dhacay Adis Abaha iyo R/W Abiy oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Qarax bambaano ayaa ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, xili kumanaan dad weyne ah uu halkaasi kula hadlay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa xiliga uu qaraxu dhacayay ku sugnaa fagaaraha Meskel ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne oo taageersan isbadalada uu ku dhawaaqay, waxaana qaraxa kadib R/Wasaaraha goobtaasi looga saaray si deg deg ah.

Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya dad dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo yaala fagaaraha uu qaraxa ka dhacay ,waxaana qaraxa marka laga soo tago dhibaato kala dhalatay isbuurasho dadka ay sameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qaraxa kadib la hadlay Telefishinka Itoobiya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaasi, waxa uuna ku eedeeyay R/Wasaaraha qaraxaasi in ay ka dambeeyeen dad kasoo horjeeda midnimada Itoobiya.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in qaraxa tiro dad ah ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen , waxa uuna ugu baaqay Shacabka in ay u midoobaan kooxaha cadawga ah ee kasoo horjeeda midnimadooda .

Ra’isul Wasaaraha Itoobia ayaa kahor inta uusan qaraxu dhicin waxa uu u khudbeeyay kumanaan dadweyne ah oo fagaaraha ku sugnaa, waxaana goobta uu ka hadlaayay lagu xeen daabay dhalo nuuca aan xabaduhu karin iyada oo jirtay xaalad dhinaca amaanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo kulan deg deg ah iskugu yimid

Caydiid Ali

Malafka Xildhibaanada lagu doortay Puntland oo lagu wareejiyay guddiga doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo shaacisay cida ka dambeysay Afduub Haweeney Jarmal ah loogu geestay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---